Ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Nugaal oo bartilmaameedsaday kooxo ka ganacsada Maandooriyaha

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka ganacsanaysay waxyaabaha maankadooriya sida ay wararku sheegayaan.

War ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid lagu doonayay in lagu kala fur furo koox ka ganacsata waxyaabaha sharci darada ah. “Ciidanka Booliska Nugaal ayaa howlgal qorsheysan ku fuliyay kooxo falal dambiyeedyo waaweyn ka geysta ka ganacsiga waxyaabaha maankadooriya, kuwaasoo dhibaato weyn ku ah amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Mardouf Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa ka hadlay sida ay ugu guuleysteen howlgalkaasi, isagoo bogaadiyay wada shaqeynta ka dhaxeysay Booliska iyo bulshada deegaanka.

Puntland ayaa si adag ula dagaalantay kooxaha ka ganacsada  Muqaadaraadka sida Khamriga ee deegaanadeeda ku sugan, iyadoo u aragta inay dhibaato weyn ku yihiin ammaanka iyo bulshada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed