Ciidamada ammaanka oo soo bandhigay ruux boorso ku waday walxaha qarxa

Ciidamada ammaank ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxan la doonayay in lagu bartilmaameedsado shacabka degmada C/casiis ee caasimadda. Eedeysanaha ayaa hadda xiran.

Ciidamada ayaa xoojiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda oo ay ka mid yihiin fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka si looga hortagayo falalka ammaanka ka soo horjeedo.

Waxaa la sheegay in ay jiraan rag kale oo la socday ninkaan la qabtay, balse ay baxsadeen, saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaay.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed