Ciidamada ammaanka maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay koox hubeysan isla markaana ka bixiyay faah faahin

Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka lagu soo qabtay dooni siday hub aan fasax loo heysan iyo ragii la socday oo la sheegay in ay ahaayeen burcad badeed.

Howlgalka oo ka dhacay gobolka Raas Casayr ee maamulkaasi, ayaa lagu soo qabtay doonida iyo saddex ruux oo la socday.

Taliyaha qaybta gobolka Gaashaanle Fu’aad Maxamuud Xuseen oo la hadlay warfidiyeenada ayaa tilmaamay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada booliska iyo kuwa ilaalada xeebaha ee maamulka Puntland.

Fu’aad ayaa sheegay in hubka ay hadda gacanta ku hayaan uu yahay mid casri ah, kaasoo ka kooban qoryo, rasaas iyo shidaal ay ciidamadu ka soo qabteen dadkii la socday doonida.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Saddexda Eedeysane ee la soo qabtay la horgeyn doono Sharciga, si tallaabo adag looga qaado.

Iyadoo Eedeysanayaasha lagu wado in Maxkamad la soo taago, haddana lama xaqiijin inay horey u geysteen falal burcad-badeednimo iyo in kale.

Fu’aad ayaa carabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan howlgalada iyo la dagaalanka kooxaha burcad badeeda ah iyo cid kasta oo wax u dhimeysa amaanka deegaanadaasi.

“Ciidanka ammaanku waxa ay cagta saari doonaan burcad-badeedda amni-darrada ka wada xeebaha bari ee Puntland iyo cid kasta oo wax u dhimaysa amniga gobolka,” ayuu yiri.

HBN NEWS DSESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed