Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Haweeney ku eedeeysan inay gubtay ninkeedii

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay ninkeeda ku gubtay dhawaan magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen.

Eedeysanaha ayaa waxaa lagu magacaabaa Muno Awsame Xuseen, waxaana Taliska uu sheegay in lagu xiray Saldhiga Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

“17/2/2024 Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Saldhiga Degmada Yaaqshiid waxay gacanta ku soo dhigeen Haweeney lagu eedeeyay inay ninkeeda gubtay 16/2/2024, baaritaan dheer ka dib ayaa gacanta lagu soo dhigay, Eedeysane Muno Awsame Xuseen. , oo 21-jir ah, waxaa la horgeyn doonaa Maxkamadda si loo horgeeyo Cadaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa sidoo kale waxaa gacanta ku haya Booliska oo isna lagu eedeeyay in uu Muqdisho ku dilay Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Rabshadaha qoyska ee sii kordhaya ee Soomaaliya ayaa dhaliyay doodo baahsan, Muqdisho iyo meelo ka baxsan, kuwaas oo iftiiminaya baahida degdegga ah ee loo qabo in wax laga qabto xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee ka dhex jira bulshada Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed