Caabudwaaq oo lagu toogtay nin sheegay in dil bareer ah oo uu ka geystay

Magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa ka dhacay qisaasta nin horay qof shacab ah ugu dulay magaalada, uuna ka hor qirtay Maxakamadda horteeda in uu si kas ah u dilay Marxuumka.

Qisaasta Maxamed Kaafi Cabdi lagu fuliyey oo uu isagu ka dalbaday Maxakamadda gobolka Galgaduud in ay ka oofiso ayaa yimid, ka dib markii uu magaalada Caabudwaaq ku dilay Marxuum Duraan Jaamac Maxamed oo ka mid ahaa dhalinta gobolka.

Maxamed Kaafi ayaa markii uu qortay dilka uu gaystay wuxuu dalbaday in laga oofiyo dilka uu gaystay mana jirin wax dood ah oo maxkamadda laga jeediyay maadaama uu isagu qiraal isku yahay.

“Ninkaas anaa dilay kas ayaana u dilay ee xaqiisa hala iga oofiyo” ayuu maxkamadda ka hor yiri Marxuum Maxamed.

Bilihii ugu dambeyey magaalda Caabudwaaq waxaa ka dhacay dhowr toogasho oo kala duwan, waxaana waxyaabaha laga soo wariyeey ka mid aha in ragga la qisaasay ay badi garmaqalka ka hor sheegayeen in la toogto, maadaama kiisaska ay galeen si kas ah u galeen.

HBN ONLNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed