C/maalik Muuse Coldoon oo labo bilood kadib laga sii daayay xabsiga Somaliland

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa waxaa xabsiga ka sii daayay maamulka Somaliland oo muddo labo bilood ah u xirnaa. Xariga Coldoon ayaa yimid kadib markii uu dhaliilay heshiiska  ee Itoobiya iyo Somaliland.

Sii daynta Coldoon ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan indhaha caalamka ee lagu hayo tacadiyada ay Somaliland ku hayso suxufiyiinta iyo caburinta xoriyadda saxaafadda. Xarigiisa ayaa waxa uu caro badan ka dhex abuuray hay’adaha xuquuqal insaanka iyo dadka u dooda xoriyada saxaafadda, kuwaas oo xukuumadda Somaliland ku canaantay caburinta mucaaridka iyo ku xad-gudubka xorriyatul qawlka.

Suxifigaan ayaa loo xiray diidmo qayaxan oo uu kaga soo horjeestay heshiiska dekedda ee Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo muran badan iyo dood ka taagnaa mandaqada. Xarigiisa ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dimuqraadiyadda iyo xoriyatul qawlka rayidka ah ee Somaliland, iyadoo dadka dhaliila ay ku eedeeyeen maamulka inay aamusiyaan codad ka soo horjeeda.

Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyay lagu dhaliilayay sida ay ula dhaqmaan suxufiyiinta  xoriyadda saxaafadda. Xariga wariye Coldoon oo ay weheliyaan weriyeyaasha kale ee ka hadlaya heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland, ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladda xorriyadda saxaafadda ee ka sii daraysa ee maamulkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed