Burkina Faso Mali iyo Niger oo ka baxaya Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika Ecowas

Dalalka deriska la ah Sahel ee Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay ka baxayaan Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (Ecowas), iyagoo ku sii dhowaanaya hanjabaad ay hore ugu jeediyeen inay abuuraan urur ka soo horjeeda oo ay ku sheegeen inay ula jeedaan xoojinta Pan-Africanism.

Saddexda waddan ee aan badda lahayn ayaa ugu yaraan sannadkii la soo dhaafay ku jiray afgambi militari. Waxaana mid walba saaran cunaqabatayn ay saarayaan ururka Galbeedka Afrika iyo sidoo kale midawga Afrika (AU) laga joojiyey, kuwaas oo labaduba aad u neceb inqilaabyada milatari ee sharciyadooda dhisma.

Ecowas waa isugeyn ay ku midoobeen 15 wadan oo ku yaala Galbeedka Afrika waxaana loo aas aasay in ay horumariyaan is dhexgalka gobolka iyaga oo si xor ah ugu socda dadkooda iyo ganacsigooda.

Ururka Midowga Yurub ayaa cadaadis saarnaa tan iyo bishii Agoosto 2020 markaasoo militariga Mali ay afgambi ku sameeyeen, iyagoo xilka ka qaaday hogaamiyihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay. Iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dalka lagu soo celiyo xukun rayid ah, ayaa millatarigu waxa ay sameeyeen afgambi labaad muddo sanad gudaheed ah sanadka 2021-ka.

Tan iyo markaas, guud ahaan lix afgembi oo guul ah ayaa gobolka ka dhacay, iyadoo afar waddan ay hadda ku jiraan xukun militari.

Waxa jiray ugu yaraan shan kale oo afgambi dhicisoobay, oo ay ku jiraan laba ka dhacay Guinea Bissau, laba ka mid ah Sierra Leone iyo mid Gambia.

La wareegitaankii ugu dambeeyay ee aan dimuqraadi ahayn ee gobolka ayaa ka dhacay Niger bishii Luulyo 2023.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed