Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya oo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku soo bandhigay Jaad la sheegay inuu sifo sharci darro ah lagu soo geliyay dalka ayaa digniin adag ka soo khaadta badda la soo marsiiyo ee aan soo marin Canshuurta dowladda.
Booliska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaabka hadda Jaadkan lagu soo qabtay ay tahay mid hareer marsaneyd sharciga dalka, iyada oo doonta lagu qabtay ay xabaarsadeyn in ka badan 200 oo marduuf oo Jaad ah.
Sidoo kale, waxaa dadka ka ganacsada lagu wargalieyye in aanay wadanka la soo geli karin jaad aan soo marin sifooyinka sharciga ah, haddii ay dhacdane ay dab qabadsiin doonaan.
Dadka doomaha leh ee soo galiya dalka Jaadka ayaa loogu goodiyey in talaabo adag laga qaadi doono, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliiska Cabdifitaax.