Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya

Xaafadda Xaawo Takako ee degmada Wadajir ayaa ciidamada Booliska Soomaaliya waxa ay ku soo qabteen nin la sheegay in uu ka dambeeyay dil loo geystay askari hore oo ka tirsanaa ciidamada Booliska. Qofka la qabtay oo lagu magacaabo Mawliid Maxamuud Axmed, ayaa hadda ku xiran xabsiga, iyadoo ay baaritaanno ku socdaan.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Daahir Cabdi Axmed oo 45 jir ahaa, kana tirsanaan jiray Booliska degmada Wadajir.

Taliska Booliska ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falkaasi, iyagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qaabka uu dilka u dhacay, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in loo maro hanaan cadaalad ah oo degdeg ah.

“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mawliid Maxamuud Axmed oo loo heysto dilka marxuumka, ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay, balse weli waa xiran yahay, baaritaankuna wuu socdaa si cadaaladda loo horkeeno,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska.

Dhacdadan ayaa dhalisay mawjado shucuur ah, taas oo keentay in ay ka dhiidhiyaan dilka askarigii hore ee booliiska. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho isugu soo baxay dad mudaaharaad dhigayay, kuwaasi oo muujinayay dareenkooda, isla markaana ay cadaalad u raadinayeen dilkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed