Booliska Koofur Afrika oo gacanta ku dhigay koox ka dambeystay dilka muwadaadin Soomaaliyeed.

Booliiska Koonfur Afrika ayaa gacanta ku dhigay kooxo hubeysan oo mas’uul ka ahaa dilka darawal Soomaali ah oo ka dhacay xaafadda Bellville, oo ah magaalo mashquul badan oo ku taalla Koonfur Afrika, habeenimadii Arbacada.

Sida dadka deegaanka ay sheegeen kooxaha burcada ah ayaa dil bareer ah u geystay Maxamed Deeq C/rashiid Awoow xilli ay dhac u geysanayeen gaarigii uu watay.

Soomaalida degan xaafada Bellville oo sameeyay dadaalo badan ayaa gacan ka geystay in ciidamada booliska dalka ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

War kooban oo ka soo baxay booliska dalka ayaa lagu xaqiijiyay in raggii falkan geystay ay hadda gacanta ku hayaan booliska, lana horgeyn doono maxkamadda.

Soomaalida ganacsig iyo xoogsiga u joogo dalkaas ayaa dilal  bareer ah iyo dhac joogto ah kala kulmo kooxo burcad ah  u dhashay South Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed