Booliska Kenya oo xiray nin u dhashay Tanzania oo la sheegay in uu u socday ku biirada al-Shabaab iyo macluumaad xaaasi ah oo laga helay

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Tanzania oo la sheegay in uu doonayay in uu ku biiro kooxda Al-Shabaab.

Eedeysanaha oo 22-jir ah, ayaa laga soo qabtay xuduudka Libooya, xilli uu ku sii jeeday Soomaaliya 13-kii bishan Janaayo.

Waxa uu sheegay in uu ku wajahan yahay magaalada Dhoobley ee dalka Soomaaliya oo ku yaal xaduudka labada dal. Baaritaano horudhac ah oo la sameeyay ayaa daaha ka qaaday inuu Kenya ka soo galay Janaayo 10, 2024. Wuxuu sheegay in markii ugu horeysay uu aadayo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in arrimo iska soo horjeeda uu u aadayo Soomaaliya,isla markaana Baasaboorka lagu ansixiyay fiisaha Kenya ee lixda bilood ah,taasi oo keentay in Ciidamada Booliska ay xireen.

Baaritaan lagu sameeyay labadiisa shandadood ee yaryar ayaa waxaa lagu soo bandhigay qoraalo diini ah oo isugu jira Islaami iyo Kirishtaan, shan SIM-card oo Tanzanian ah, hal taleefoon oo gacanta ah oo uu ku xiran yahay SIM-ka Safaricom, iyo kaarka bangiga Tanzanite.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed