Booliiska Soomaaliya oo faah faahin dheeraad ah ka soo saaray eedeeysane baxsad ah oo xaaskiisa ku dilay Muqdisho

Booliiska Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan ku saabsan macluuumaadka eedeeysane xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho 26 bishii hore Jannayo ee 2024, marxuumada oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis ayaa dhaawicii ka soo gaaray dab uu qabadsiiyay ayaa shalay u geeriyootay, kaddib maalmo ay taalllay isbitaalka.

Booliiska ayaa sheegeen in cidii aragto eedeeysanaha ama xogtriisa  in ay la soo xiriiraan, kaas oo ay sheegeen in uu baxsad ka yahay caddaaladda.

Bayaanka ka soo baxay Booliiska ayaa lagu yiri ” Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday.Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday.Qofkii helaa xogtiisa, waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama baraha bulshada”.

Falkaan ayaa waxaa ka dashay cambaareyn xooggan iyo kacdoon bulsho oo dhanka warbaahinta ah, iyada oo si weyn loo hadal hayay dhacadaan 24 saac ee la soo dhaafay, dadka ayaa dalbanayay in si deg deg ah caddaalad ay u hesho marxuumad Luul Cabdicasiis.

Luul C/casiis waxay ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha, waxayna ahayd hooyo haysata lix carruur ah oo agoon ah, sida ay xaqiijiyeen qoyskeeda. Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa xiligan ku soo badanaya Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed