Booliiska Soomaaliya oo dad u xiray shaqaale ka tirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo meydkiisa laga helay gurigiisa

C/naasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sarkaalka ka tirsanaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu u dhintay jirdil iyo ceejinta loo geystay, inkastoo aan war rasmi ah laga heyn.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 6 eedeysane oo loo heysto dilka Marxuum C/naasir Muuse oo 32 jir ahaa, kaasi oo meydkiisa laga helay hoygiisa oo ku yaalla deegaanka Ceel-Qalow.

Booliska ayaa sheegay inay sameeyeen baaritaan ayna hayaan cadeymo laga helay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay.

Marxuumka la dilay ayaa dhawaan ka soo laabtay waxbarasho uu dalka dibadiisa ugu maqnaa, waxaana uu ka qalin jabiyay jaamacad ku taal dalka Ingiriiska oo uu ka bartay cilmiga Air Navigation. Waxa uu ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda ICAO ee magaalada Hargeysa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed