Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay hishiis 10 sano ah oo ay la gashay Turkiga isla markaana faah faahin dheeraad ah laga bixiyay

Kulanka oo ahay mid aanan caadi aheyn  ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaasoo uu dalbaday Madaxweynaha Soomaaliyqa, isuguna yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay mudanayaasha Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo guulaha  diblomaasiyadeed e horay loo qaaday, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal ugu sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda oo muddo ka badan 30 sano dayacnaa,  iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Hadalka madaxweynaha kadib, xilidhaannada Labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood  ka yeeshay oo gudo galay kulanka, iyada oo dhanka kale uu hishiiskaan ka war bixiyay Wasiirka Difaaca Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimad gaar ah uu leeyahay ilaalinta  midnimada, iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dowladba.

Labada Aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, manajiraan  wax ka aamusay. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay, oo soo xiray kulanka ayaa sheegay maanta laga bilaabo uu sharci yahay.

Hishiiskaan ayaa ku soo aadaya iyada maanta goor hore Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ay ansixiyeen heshiiskan, isla markaana ku tilmaameen  inuu yahay mid  taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed