Banaan baxayaal caraysan oo Bajaajley ah oo xirtay inta u dhexeysa wadooyinka Soobe iyo Lambar Afar ee magaalada Muqadisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyey caqabado ay ku qabaan sida warka u dhigeen waraaqaha wado marista ee Laysinka oo lacago dheeraad ah looga qaado.
Inta banaan baxa uu socday Mudohoraadayaasha Bajaajleyda oo caraysan ayaa eedeymo u jeediyey ciidamada Taraafikada oo ay sheegeen in ganaaxyo kala kulmaan ka dib markii ay arkaan in waraaqahooda ay dhacsanyihiin Laysinka, iyagane la’yihiin sida warka ay u dhigeen cid cusbooneysiisa.
Mid ka mid ah wadayaasha Bajaajleyda oo kor u siday warqad uu ku mujiinayo haysashada Sharcigiisa wada-marista ayaa yiri “Warqadaan waa warqadii Layskinka hanaanka loogu maraaye, wax walba anaga oo saan sharciyada ugu marnay ayaa hadane dariiqii naloo taagan yahay, midkastoo ku qabtane (Taraafikada) Shan Doollar ayuu kaa rabaa”.
Masuuliyiin ka mid ah ciidamada Taraafikada oo la hadlay Bajaajleyda oo ku qanciyey in la furo wadooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in wax laga qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen wadayaasha Mooto Bajaajta.
Sanadkii hore Muqdisho waxaa ka dhacay cabashooyin kala duwan oo ay dhigeen Bajaajleyda, taasi oo markii dambe sababtay in xal laga gaaro cabashooyin la xariiray lacago dheeraad ah oo laga qaado Wadayaasha Mootooyinka. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in wax lacag dheeraad ah oo shan doollar dhaafsiisan laga qaadi karin inta ay ka helayaan Laysimada ay dalbadaan.
HBN ONLINE TV

