Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodaya wax ka bedelka dastuurka loona jeediyay in si deg deg loo dhammeystiro

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah bilaabay ka doodista wax ka beddelka iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, si sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo dhameystiro maalmaha soo aaddan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, maadaama Xildhibaanada ay bilaabeen dib u eegista iyo ka doodista Dastuurka oo aan la dhameystirin muddo ka badan 12 sano. Xildhibaanada ayuu ku booriyay inay sii wadaan ka qeyb galka dooda, isagoo sheegay in bisha Ramadaan ay nagu soo fool leedahay, loona baahan yahay in waqti badan la galiyo shaqadiisa, isla markaana loo dhammeystiro.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in la shaqeeyo saacado badan oo ay ku jiraan habeenada shaqada, si loo helo meel wanaagsan oo lagu qabto dooda, kuwaas oo soo bandhigay fursado kale oo xildhibaannadu ku shaqeyn karaan.

Dhankale xildhibaannada qaar ayaa diidan wax ka beddelka arrimaha dastuurka Soomaaliya, kuwaas ku doodaya in aanan loo dhammeyn. Madaxdii hore ee dalka, maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa diidan hannaankan dowladdu wax kaga beddeleyso dastuurka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed