Baarlamaanka Jibuuti oo dooranaya guddoon cusub

Baarlamanka cusub ee dalka Jibuuti ayaa maanta yeelanaya kulankiisii ugu horreeyay waxaana la filayaa in ay doortaan guddoonka Baarlamanka oo ka kooban Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.

Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ah xisbiga talada haya oo leh aqlabiyada Baarlamanka ayaa lagu wadaa in uu ka soo baxo afhayeenka cusub ee aqalka, waxaana ugu cad cad Dilayte Maxamed Dilayte oo horey u soo noqday Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Jibuuti.

Kuraasta Baarlamanka ayaa xisbiga talada haya wuxuu haystaa 57 halka xisbiyada mucaaradku ay haystaan 7 kursi.

Haweenka ayaa doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamanka Jibuuti waxay ka helaan 35%.

Shukri Bahdoon
HBN Jibuuti.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed