ATMIS oo ku dhawaaqday in la soo gabagabeyay bixitaanka ciidankooda wajigii 2-aad isla markaana shaaciyay xilliga ay dhimi doonaan kan 3-aad

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wejigii labaad ee ka bixista dalka Soomaaliya, iyadoo 3,000 oo askari ay kala baxeen, isla markaana ku wareejiyeen fariisimo ciidan oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa timid kadib markii mudo 3-bilood ah hakad la geliyay iyadoo laga jawaabayo codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ku micneeyay in ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ay dowladda ku wareejiyeen 7 xarumood oo horay uga howlgali jiray, isla markaana ay xireen labo saldhig oo kale.

Sida ku cad Jadwalka Qaramada Midoobay, Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa gabi ahaanba isaga bixi doona dhamaadka sanadka, iyagoo ku wareejinaya mas’uuliyadda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Tirada askarta laga saaray wajiyada koowaad iyo labaad ayaa gaaraya 5,000 oo askari. 14,600 oo xubnood oo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa weli ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale ATMIS ayaa sheegtay in ay dhawaan bilaabi doonaan wajiga xiga ee seddexaad, isla markaana la dhimi doono ilaa 4,000 oo askari bisha June ee Sanadkaan 2024, taasoo kaa dhigan wajiyadii 1aad iyo 2aad lagu guuleystay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed