Al shabaab oo war ka soo saartay dhaqaatiir Ajaanib ah oo ay heysatay inay dhinteen

Kooxda Al-Shabaab  ayaa ka warbixisay dhimashada laba dhakhtar oo Cuba u dhashay oo ay gacanta ku hayeen tan iyo bishii April 2019. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay Al-Shabaab soo dhigtay barta Telegram-ka, A labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Surgeon Landy Rodríguez iyo Assel Herrera ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Khamiistii ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhakhaatiirtan oo ka mid ahaa 100 Dhakhaatiir Cuban ah oo loo diray Kenya bishii June 2018, ayay Al-Shabaab ka qafaasheen Waqooyi Bari Kenya Bishii April 2019. Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Mas’uul ka tahay Afduubka.

Majirto cid kale oo madax-bannaan oo ka hadashay geerida labadaan dhaqtar, marka laga reebo sheegada kooxda Al shabaab.

Dhimashada Rodríguez iyo Herrera ee la soo sheegay ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo dhowr jeer la galay  dadaalo kala duwan  siideyntooda, oo ay ka mid yihiin dadaallo diblomaasiyadeed iyo codsiyo ku aaddan xorriyaddooda, haddana dhakhaatiirta ayaa xabsiga ku jira ilaa la sheegayo inay ku dhinteen duqeymihii ugu dambeeyay ee dhinaca cirka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed