Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay shaacisay faah faahinna ka bixisay ninkii isku qarxiyay hotel SYL ee malagaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay, kaasoo ku dhaw madaxtooyada Soomaaliya.
Al shabaab ayaa warbaahintooda ka sii deysay wareysi laga qaaday nin ay ku magacaabeen Xasan Maxamed Maxamuud oo ah 20 sano jir isla markaana ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubaland gobolka Jubbadda Hoose.
Ninkaan isku miidaamiyay hotel-ka ayey warbaahinta Al shabaab ku sheegtay in uu u dashay beesha Habargidid, gaar ahaan Ceyr, ninkaan fuliyay qarax loo adeegsaday gaari kadibna ay hotelka gudaha u galeen rag hubeysan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo saacado badan ka dhex dagaalamay gudaha hotelka, ka hor inta aanan la soo afjarin.
Weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dadka ku dhaawacmay weerarkaasi ku jiray Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah. ku dhawaad 20 ruux oo ahay kuwii ugu darnaa ayaa loo qaaday dalka Turkiga.
HBN NEWS DESK