Al shabaab oo faah faahin ka bixisay ninkii fuliyay weerarkii xerada ciidanka Jeneraal Gordon magaalada Muqdisho

Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca ninkii fuliyay weerarkii xerada ciidanka Jeneraal Gordon ee magaalada ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaaro xooggan oo iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, isla markaana masuuliyada weerarkaas horay u sheegteen malleeshiyaadka Al shabaab.

Kooxda ayaa magaca ninka weerarka fuliyay ku sheegtay  Mustafe Mukhtaar Aadam oo 27 jir ah kana soo jeeda magaalada  Xudur ee gobolka Bakool, kaasoo oo ay sheegeen inuu ka dambeeyay dilka saraakiil u dashay Imaaraadka Carabta iyo Baxareyn sidoo kalana ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhintay weerarka oo dhacay Sabtidii.

Al shabaab ayaa sheegtay dhowr jeer weeraro kala duwan oo ka dhacay Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed