Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho u yimid arrimo xasaasi ah wadahadalo iyo u jeedka safarkiisa

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kaalin oo booqasho muhiim ah ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee Turkiga iyo Soomaaliya. Booqashada Kalin oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hoosta ka xariiqay iskaashiga sii kordhaya ee ka dhaxeeya labada dal ee ku aadan la dagaalanka qataraha dhanka ammaanka ah, gaar ahaan ka dhanka ah taageerada ballaaran ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ibraahim Kalin ayaa markii uu halkaasi gaaray waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay muhiimadda socdaalkiisa iyo xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Wafdiga agaasimaha ayaa laga soo galbiyay garoonka diyaaradaha, iyagoo u gogol xaaraya wada tashi iyo wadashaqeyn heersare ah inta ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Arrimaha ugu muhiimsan ee socdaalka Kalin ayaa waxaa ka mid ah in uu la kulmo dhiggiisa Soomaaliya oo ay ka wadahadlaan istaraatiijiyad kor loogu qaadayo wadashaqeynta hay’adaha sirdoonka ee labada dal. Wadahadalladan ayaa la filayaa in looga wadahadlo caqabadaha dhanka ammaanka ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo diiradda lagu saarayo dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo khatarta kooxaha sida sida Al-Shabaab.

Marka laga soo tago arrimaha ammaanka, socdaalka Ibraahim Kalin ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay u kuurgelidda iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Soomaaliya. Awoodda lagu kordhinayo ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga horumarinta ayaa noqon doona ajandaha, taasoo ka tarjumaysa ballanqaad ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka baxsan iskaashiga amniga.

Kulamada dhexmara Ibraahim Kalin iyo madaxda ugu muhiimsan Soomaaliya oo uu ugu horeeyo agaasimaha NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo madaxda dowladda ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta danaha labada dhinac iyo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha la wadaago.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed