Abwaankii iyo barihii Jaamacadeed ee ku biiray Al shabaa oo seddex bil kaddib ka soo muuqday warbaahinta kooxdaas

Waxaa habeenimadii Arbacada dib u soo muuqday Bare ka tirsanaan jiray Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ah Abwaan caan ah oo lagu magacaabo Nageeye Cali Khaliif, oo muddo saddex bilood ah  maqnaa. Wuxuu markii ugu horeysay ka soo muuqday warbaahinta Alfurqaan ee xiriirka la leh kooxda Al-Shabaab.

Wareysi saacado qaatay ayuu Khaliif ku sheegay inuu si rasmi ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isagoo muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay fikirkooda.

Waxa uu ku micneeyay in uu aaminsan yahay fikirka Al-Shabaab uu soo bilowday sanadkii 2017-kii oo uu ka soo guuray Somaliland una soo guuray Muqdisho. Kahor inta uusan ku biirin kooxda, wuxuu aad ula dhacay hawlgaladooda.

Dhinaca kale, Hay’adaha Ammaanka Somalia ayaa bishii Oktoobar ee sannadkan billaabay baaritaanno la xiriira halka uu ku sugan yahay Khaliif. Hase ahaatee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu Macallin Khaliif ka ahaa ayaa ka gaabsatay inay ka hadqsho xaaladdiisa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed