Faah faahino kala duwan oo ka soo baxaya weerar qaraxyo ah oo lagu qaaday Suuqa Bakaaraha ee maagalaa Muqdisho iyo khasaaro xoogaan oo ka dashay

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii maanta qaraxyo lagu weeraray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay khasaare kala duwan iyo hakad ku yimid isu socodkii ganacsiga iyo gaadiidka suuqa.

Ilo wareed dhanka caafimaadka ah ayaa sheegya in ugu yaraan 20 qof oo dhaawac ah la geeyay isbitaalada.Sidoo kale burbur xooggan ayaa waxaa soo gaaray goobaha ganacsi ee lala eegtay qaraxyada maanta ka dhacay suuqa Bakarahaa ee magaalada Muqdisho.

Wararkii hordhaca ahay ee ka soo baxay goobjoogaal ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa sheegay in hoobiyaal gaaraya ilaa 6 xabo lagu soo tuuray suuqa, kuwaas oo si toos ah loo duubay markii ay burburiyeen dhismayaal kala duwan, waxayna intaas ku dareen in hoobiyaasha si toos ah ay ugu soo dhaceen xarumo ganacsi.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in qaraxyadu ahaayeen hoobiyaal balse Maamulka gobolka Banaadir ayaa beeniyay in hoobiyaal lagu garaacay Suuqa Bakarahaa waxaana ay sheegeen in qaraxyadu ahaayeen kuwa lagu diyaariyay goobo kala duwan, Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii maanta ka dhacay halkaasi, waxaana wuxuu sheegay in qaraxyada ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Qaar ka mid ah dad ku sugnaa suuqa markii uu weerarku dhacaya ayaa faallooyin ka bixiyay hadalka guddoomiye kuxigeenka waxaana ay ku doodayeen in weerarku uu ahay hoobiyaal ku soo dhacay Suuqa, isla markaana waxay hadalka Maamulka gobolka ku tilmaameen marin habaabin sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed