Aabaha dhalay gabadhii lagu gubay Muqdisho oo sheegay in uu doonayo in la isla duugo gabadhiisa iyo Eedeeysanaha isla markaana diray fariin

Sheekh C/casiis Maxamed oo ah aabaha dhalay haweeneydii ninkeedii uu ku gubay magaalada Muqdisho, kaasoo loo heysto eedda ah dilkaas, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya la geeyo caddaaladda, isla markaana uu ku faraxsan yahay in Madaxda Dowladda Federaalka ay tallaabo deg deg ah ka qaadaan Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Dilka arxan darada ah ee loo geystay Luul Sheekh C/Casiis oo aheyd haweeney xaamilo aheyd oo ka shaqeysan jirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxay keentay in si qoto dheer looga codsado cadaalada iyo in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo.

Daa’uud oo hadda gacanta ugu jira ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa Luul Sheekh C/Casiis oo xaamilo ahayd, falkan oo ahaa mid aad looga naxay oo bulshada ka argagaxay. Aabaha oo murugeysan ayaan weli aasin gabadhiisa iyo canugeeda uurka ku jira, isagoo muujiyay rabitaankiisa ah in la isla duugo.

“Gabadhayda iyo ilmaha uurka ku jira waxa ay mudan yihiin cadaalad, gacan ku dhiiglaha waa in uu sharciga si buuxda u wajaho” ayuu yidhi Sheekh C/casiis oo ku nuux-nuux saday culayska uu leeyahay fal-dembiyeedka iyo sida loogu baahan yahay in la helo xal cadaalad ah.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed