Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg dhammeyo khilaafkaad siyaasadeed ee ka jiro qeybo kamid ah dalka, waxaa sheegay in loo baan hanyahay  wixii jiro ee la isku hayo in lagu dhammeyo wada hadal.

Waxaa uu magaacabay gobolada Gedo, Hiiraan, Baraawe iyo Ceel-berde, dhawaan ay ka dhaceen xiisado siyaasadeed iyo dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac, Xamse Cabdu Barre ayaa tilmaayay in Soomaaliya aysan xilligaan u baahneyn khilaaf iyo in bulshada la iska hor-keenno.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday xiisada ka taagan Puntland oo aanan wili xal laga gaarin in lagu dhammeyo wada-hadal, Isimmada dhaqanka ee Maamulkaas ayuu Raiisal Wasaaruhu ugu baaqay in ay istaagaan dejinta xaaladda cakaran ee Garowe.

Xamse ayaa ka dhaawajiyay in uu la xiriiray Odayaasha dhaqanka Puntland, oo uu kala hadlay in ay soo gabagabeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Caasimadda maamulkaas.

Xamse Cabdi Barre ayaa gabagabadii ku sheegsay hadalkiisa in siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha joogo Maamulada iyo gobolada ay ka jiraam khifaadka in ay xali u helaan shacabka oo ay ku hoggaamiyaan nabad iyo xasilooni.

Hadalkaan, ayaa imanaya iyada oo Puntland, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koofur Galbeed ay ka dhaceen dagaallo sababay khilaaf siyaadadeed aanan wili xal buuxdo laga gaarin intooda badan.

HBN NEWS DESK.