18 Shaqsi oo ku eedeysan Musuq oo la shaaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay 18 ruux oo ku eedeysan musuq iyo xoola dadweyne,  kuwaas oo iskugu jiro kuwa xiran, iyo kuwa baxsad ah, oo dalka mar hore ka tagay.

Liiskaan waxaa ku jiro Saraakiil culus, oo ay kamid yihiin Agasimyaashii iskaga dambeyayt hey’adda Jinsiyadaha iyl Socdaalka Soomaaliya, kuwaas oo horay loo hadal haayay.

Liiska xubnaha eedeysanayaasha ee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka u gudbiyay dacwadooda Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Joogaan/xiran

1- Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020

2- Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020

3- Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta

4- Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta

5- Saabir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta

6- Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta

7- Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga

8- Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta

9- Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

Maqanayaasha/baxsad.

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim

4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey)

5- Maxamed Idiris Axmed

6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)

7- Cabdiqaadir Cilmi Cali

8- Maxamed Cali Caadle

9- Abubakar Xasan Aadan

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay, in ay la dagaallameyso musuqa xooggan ee ka jiro hey’adaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado baaritaanno kale  duwan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed