Deg Deg: Toogasho dhimasho & dhaawac sababtay oo ka dhacday dalka Mareykank
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay 28 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho safmar ah oo ka dhacday magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.
Warar ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 ilaa 30 xabadood la riday, lamana oga ujeeddada rasmiga ah ee ka dambeysay toogashadan ugu dambeysay.
Goobta toogashu ka dhacday ayaa waxaa ka socotay xaflad waxaana la sheegay inay ku sugnaayeen boqollaal dad ah, iyadoo dadka dhaawaca ah qaarkood xaaladoodu culus tahay.
Booliiska ayaa la filayaa inay bixiyaan xog dheeraad ah oo ku aadan weerarka iyo cidda fulisay.
Warqabadka HBN Online