Waa Sidee Xaaladda Magaalada Garowe.

Xaalada Magaalada Garoowe ayaa maanta daggan kadib dagaal qaraar oo shalay ka dhacay  halkaas, kaas oo dhaliyay khasaaro xooggan oo iskugu jiro mid naf iyo mid maal.

Wararka maanta ka imaanaya maanta Garowe ayaa sheegaya in xaaladdu ay tahay mid ka wanaagsan tii shalay, waxana soo laabtay adeegga magalaada Sida gacansiga iyo isku socodka

Waxaa lakala  kala qaaday ciidamada dagaalamay  kuwaas  ku dagaallamay caasimadda Puntland ee Garoowe kadib wadaxaajood Odayaasha Dhaqanka sameeyeen.

Waxaa socoto wili waan waan looga hortagaayo in dagaal kale uusan soo laaban, iyada oo labada dhinac lala hadlay.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 ruux oo badan Ciidamadii dagaalmay, halka dhaawacana uu ka badan yahay.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed