Kenya oo Fureysa Xadka Soomaaliya 12 Sanno Kadib.

0
270

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno.

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay fureyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya dhawaam bayaan ka soo baxay, mudd ka badan 10 Sanno ayuu xirnaa xadka labada dal wadagaan, waxana Xirtay dowladda Kenya.

Bishaan May ee  2023-ka gudaheeda ayaa lagu wadaa in la furi doono xadka kaas oo xirnaa taniyo 2011, kadib markii xilligaas loo xira weerarada Al shabaab ay ka geysteen gudaha dalkaasi.

Marinada la furaya ayaa kalaa ah:  Mandheera, gaar ahaan Balad Xaawo, Dhoobley, iyo Raaskamboobi dhamaan marinadaan ayaa laf-dhabar u ah isku Socodka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa lagu wadaa in Masuuliyiin ka tirsan labada dal ay kulan ka yeelanayaan arrintaan si loogh dhaqaaqo goaanka ku aadan fursita Xadka labada dal oo ay dhibaato xooggan ku qabeen Soomaalida.

Arrintaan ayaa daba socoto kadib kulan maalmo kahor ka dhacay Magaalada Mandheera halkaas looga hadlay Xaaladda Amniga dalalka Soomaaliya Kenya Itoobiya.