Muxuu ahaa kulankii Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu maanta Baydhabo kula yeeshay ciidamada Itoobiya ee AUSSOM?

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ha howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee ku sugan maamulkaasi.

Aadan Madoobe ayaa  Ciidanka Itoobiya hor dhigay su’aalo la xiriira sida Askar hubeysan oo ka soo horjeeda Maamulka Koofur Galbeed ay ula wareegi karaan degmooyin ay qeyb kaga sugan yihiin Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka AUSSOM.

Hoggaamiyaha Aadan ayaa adkeeyey in si dhow Ciidamada Itoobiya ula shaqeeyaan Maamulka iyo Ciidamada heer Federaal, si looga hortago xasilooni darro.

“Waxaa kulanka lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga, ka hortagga falalka amni-darrada ah iyo ilaalinta badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri warka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo dib lagula wareegayo degmooyinka ay qabsadeen Ciidanka taabacsan Laftagareen oo ay Dowladda Federaalka ku dartay Liiska Argagixisada

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed