Ururka Midowga Afrika ayaa diiday faragelin shisheeye oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo la xiriira eedeymaha Muqdisho ee ku aaddan faragelinta Imaaraadka ee arrimaha gudaha dalka.
War-murtiyeed laga soo saaray shirkii 1380-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, kaas oo dhacay 25-kii Nofeembar, ayaa lagu xaqiijiyay garab-istaagga Midowga Afrika ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Golaha ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaallada nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Goluhu wuxuu bogaadiyay tallaabada taariikhiga ah ee doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka oo laga qabtay qaybo kala duwan oo Soomaaliya ah. Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la leeyahay xisbiyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, ka hor doorashooyinka qaran ee la qorsheeyay inay dhacaan sannadka 2027.
Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay qorshe isku-dhafan oo ka kooban saddex marxaladood, kaas oo lagu maamulayo kala-guurka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Golaha ayaa taageeray labada marxaladood ee ugu horreeya, kuwaas oo soconaya illaa Diseembar 2027, halka qorshaha amni ee wixii ka dambeeya 2027 lagu sheegay in wadatashiyo dheeraad ah laga yeelan doono.
Goluhu wuxuu ka digay in ciidamo dalka lagala baxo sababo la xiriira dhaqaale-xumo, iyadoo aan si habboon loo qorsheyn, ay abuuri karto firaaqo amni oo Al-Shabaab u sahli karta inay dib ula wareegto magaalooyin istaraatiiji ah iyo waddooyin muhiim u ah isku socodka saadka, taasoo dib u dhigi karta horumarkii amni ee sannado badan la sameeyay.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa ugu baaqay saaxiibbada caalamka inay sii wadaan taageerada dhaqaale iyo agab ee AUSSOM, isla markaana ay xoojiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya, si loo xaqiijiyo kala-guur amni oo qorsheysan oo habsami leh.
HBN ONLINE TV

