Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa xaaladda amni ee magaalada Moyaaale, kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya ay faragelin ku samayeen dagaallo muddo ka badan hal bil ka socday magaalada iyo deegaannada ku xeeran,kuwaa oo sababay khasaare culus iyo burbur soo gaaray kaabayaashii muhiimka ahaa.
Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya iyo kuwa Milatariga ayaa galabta si toos ah ula wareegay sugidda amniga Moyaaale, kaddib markii la gaaray sida la tilmaamay heshiis xabbad-joojin ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalladii socday 36-dii maalmood ee la soo dhaafay.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Federaalka iyo Milatariga Itoobiya lagu daadiyay waddooyinka Mooyaale, gaar ahaan waddada weyn ee laamiga ah ee magaalada dhex marta, taas oo isku xirta labada dhinac ee magaalada Moyaaale.
Ciidamadan ayaa loo keenay inay sugaan amniga, xakameeyaan xaaladda magaalada, isla markaana ka hortagaan dib u qarxidda dagaallada.
Tallaabadan ayaa timid kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo la sheegay in dhinacyadii dagaallamayay ay gaareen, kaas oo dhigaya in dagaalka la joojiyo, ciidamada iska soo horjeedana laga kala durkiyo goobihii ay isku horfadhiyeen.
Dagaallada ka socday Moyaaale ayaa sababay xaalad amni oo adag, iyadoo shacabka magaalada ay wajahayeen hubanti la’aan iyo walaac la xiriira sii socoshada iska horimaadyada.
Faragelinta Dowladda Federaalka Itoobiya iyo la wareegidda ciidamada federaalka ee sugidda amniga ayaa hadda ah tallaabo cusub oo la xiriirta dadaallada lagu soo celinayo xasilloonida magaalada. Tallaabadan ayaa sidoo kale la xiriirta qorshaha lagu kala fogeynayo dhinacyadii dagaallamayey, si looga hortago in mar kale ay isku dhacaan.
Dhanka kale, shacabka ku nool magaalada Moyaaale ayaa loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara nabadda iyo badbaadada dadka rayidka ah.
Su’aasha hadda taagan ayaa ah inuu heshiiska xabbad-joojintu sii jiri doono iyo in ciidamada federaalku ay ku guuleysan doonaan sugidda amniga magaalada, kaddib muddo ka badan hal bil oo ay dagaallo ka socdeen.
Xiisaddi ugu dambeysay ayaa la diwaangaliyey bartamihii bishaan November 2026, kadib markii ciidamada maamulka Oromada ay weerar ku qaadeen gudaha degmada, iyagoo adeegsanaya madaafiic, gantaallo iyo hub culus, kuwaa oo sababay khasaare hantiyeed, waxaana dab la qabadsiiyay dukaamo iyo goobo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.
Qaramada Midoobay ayaa bishii hore sheegtay in iska dhacyada gobolka ay sababeen in ku dhowaad 50-kun oo qof ay guryahooda ka barakaceen, iyadoo kumannaan qof ay hoy ka heleen xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay magan-gelyo ka heleen bulshada deegaanka.
Hay’adda ACLED oo la socota dhaqdhaqaaqyada hubeysan ayaa sheegtay in xiisadda ugu dambeysay ay bilaabatay 18-ka bishii hore ee Oktoobar, kaddib markii xafiis cusub oo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ka furay goob lagu muransan yahay, halkaasna laga taagay calanka maamulka.
Colaaddan ayaa carqaladaysay ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka ah, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo amniga iyo xaaladda bani’aadannimo ee xuduudda labada dal.
HBN ONLINE TV

