Puntland oo go’aamo ka soo saartay cabasho ka dhextaagan bulshada deegaanadeeda ee sicirka adeegyada aasaasiga ah

Xukuumadda Puntland ayaa soo saartay go’aanno la xiriira cabashooyin maalmahaan bulshadu ka muujiyeen qiimaha iyo tayada adeegyada korontada, biyaha, shidaalka, waxbarashada iyo caafimaadka oo qeybtood la qaaliyey.

Go’aannada ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa dhigaya in maamulka iyo shirkadaha korontadu iska kaashan doonaan dhimista qiimaha korontada, iyadoo la dhiirrigelinayo isticmaalka tamarta cadceedda ee Soolarka iyo hawada dabiiciga ah.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warka in la qorshaynayo ballaarinta adeegyada biyaha, helitaanka biyo nadiif ah iyo baaritaan lagu sameeyo shirkadaha bixiya adeegyada biyaha.

Dhinaca shidaalka, maamulka ayaa wado talaabooyinka horumarinta kaabayaasha kaydinta iyo qaybinta shidaalka iyo gaaska, iyadoo la dhiirrigelinayo isticmaalka gaaska cuntada.

Sidoo kale Xukuumadda Puntland ayaa amartay daraasad lagu qiimeynayo xaaladda adeegyada aasaasiga ah, hase yeeshee ma cayimin waqti rasmi ah oo lagu fulinayo ballamahaan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed