Soomaaliya oo bilowday qorshe lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe lagu dhisayo laguna tayeynayo awoodda Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh, uu maanta dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda, taas oo ku taalla Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab, magaalada Muqdisho.

Xaruntan cusub ayaa loogu talagalay inay daboolto baahiyaha hawlgal, maamul iyo hoggaamineed ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo qayb ka ah qorshaha dowladda ee dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Dhulka, Cirka iyo Badda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in ilaalinta badaha, xeebaha iyo kheyraadka badda Soomaaliya ay yihiin waajibaad qaran oo u baahan ciidan leh aqoon, awood, qalab iyo xarumo ku filan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dhismaha xaruntan cusub uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu dhisayo ciidan awood u leh ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed iyo baddeed ee dalka.

Dhismaha xaruntan ayaa waxaa taageeraya dowladda Türkiye, waxaana munaasabadda dhagax-dhigga ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Türkiye.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed