Mareykanka oo Duqeymo Cirka ah ka Fuliyay Saddex Goobood oo ka mid gobolada Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya ciidamada dowlada uu duqeymo cirka ah ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab intii u dhexeysay 13-kii ilaa 15-kii Nofeembar, sida lagu sheegay warsaxaafadeed caawa soo baxay.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in duqeymaha laga fuliyay 3 goobood oo kala ah Leego, oo 114 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xigta Muqdisho, Yora Lafagari, oo 160 kiiloomitir galbeed ka xigta Jilib iyo Jamaame oo 47 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigta Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga AFRICOM ee ciribtirka Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed