Erdogan oo saxiixay go’aanka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa saxiixay go’aanka madaxweyne ee ansixinta heshiiska deeqda lagu dhisayo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, kaddib markii heshiiskaasi uu horey u ansixiyey Baarlamaanka dalkaasi.

Mashruuca dhismaha safaaradda ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan 6 milyan oo dollar, waxaana dhismaha laga hirgelin doonaa dhul ay Soomaaliya leedahay oo ku yaalla magaalada Ankara, taas oo dalka u suurtagelinaysa inuu si toos ah u yeesho xaruntiisa diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa heshiiska iskaashiga dhismaha safaaradda kala saxiixday bishii Luulyo 2022, kaas oo dhigaya in dowladda Ankara ay maalgeliso dhismaha, kaddibna ay dhismaha ugu wareejiso dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah xiriirka iskaashi ee labada dal, waxaana la filayaa in dhismaha safaaradda cusub uu xoojiyo matalaadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed