Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya xubnaha mucaaradka, ayaa sheegay in aysan jirin aragti siyaasadeed oo cad oo ay wataan sida uu hadalka u dhigay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda, isaga oo meesha ka saaray in wadahadalka siyaasadeed dibadda dalka lagu qabto.
Wuxuu sheegay in shuruucda iyo qawaaniinta dalka u degsan aysan oggolayn in talada Soomaaliya dibadda loo qaado, balse dowladda ay diyaar u tahay inay wadahadal la yeelato cid kasta oo Soomaali ah oo aragti iyo talo qabta.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliil u jeediyey siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey in aysan soo bandhigin aragti cad oo lagala doodi karo, marka laga reebo diidmada go’aannada dowladda.
“Siyaasiyiinta ma naqaano waxa ay rabaan, laakiin anigu waxa aan rabno waan garanaynaa, caalamkuna waa og yahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in albaabka dowladda uu mar walba u furan yahay xubnaha mucaaradka, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu ugu tago siyaasiyiinta mucaaradka meel kasta oo ay joogaan gudaha dalka, si looga wada hadlo arrimaha dalka iyo mustaqbalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyey qaar ka mid ah siyaasiyiinta inay bulshada ku abuuraan cabsi iyo walaac ku saabsan mustaqbalka dalka, isaga oo hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad lahayn.
Wuxuu carrabka ku adkeeyey in mustaqbalka Soomaaliya uu ifayo, isla markaana ay jirto rajo laga qabo horumarka dalka.
Hbn Online Tv

