Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan kula yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Milatariga Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu oo soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo laga wada hadlay ariimaha amniga iyo taageerada Ankara ee Soomaaliya.
Villa Soomaaliya oo si kooban uga hadashay kulanka ayaa tilmaantay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, adkeynta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.
Sidoo kale, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, kuwaas oo looga hadlay iskaashiga milatari, xaaladda amni ee gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh saldhig ciidan kaas oo sidoo kale uu tababar ku siiyo cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
Xiriirka u dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho ayaa dhowr iyo tobbankii sane ee la soo dhaafay ahaa mid xooggan, marka la eego dhinacyada iskaashiga difaaca, taageerada, iyo maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya.
Hbn Online Tv

