Anwar Maxamed Gargash, oo ah La-taliyaha Diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa dhaliilay hadalladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku andacooday inay muujinayaan isbeddello ku yimaada mowqifyadiisa siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, Gargash ayaa yiri: “Weerarka Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya uu ku qaaday Imaaraadka wuxuu muujinayaa isbeddellada ku yimaada mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, wuxuuna dhalinayaa su’aalo ku saabsan inuu dano shaqsiyeed ka hormarinayo danaha qaranka dalkiisa.”
Gargash ayaa sheegay in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya xilliyadii adkaa, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha u jiidayo muranno heer gobol ah. Wuxuu sidoo kale ku adkeystay in xiriirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka xooggan yahay khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah.
Hadalladiisa ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Imaaraadka ku eedeeyay faragelin uu ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhisidda saldhigyo milatari iyo taageeridda ciidamo ka baxsan nidaamka amniga dowladda federaalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan burisay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka, iyadoo hawadeeda ka mamnuucday diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuulka ee dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay xiriir ku dhisan sinnaan iyo ixtiraamka madax-bannaanida Soomaaliya.
Hbn Online Tv

