Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ee khilaafka kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen sida uu hadalka u dhigay dhinacyo shisheeye. Wuxuu ugu baaqay inay ku soo laabtaan miiska wada-hadallada si xal Soomaaliyeed looga gaaro khilaafaadka jira.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ku dhagax-dhigayey dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Isbitaalka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah mashaariicda dowladda ee lagu horumarinayo waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaadka ciidamada qalabka sida. Mashruucan waxa taabagalisay dowladda Shiinaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalku marar badan fidisay gogol wada-hadal, isla markaana ay weli diyaar u tahay wadahadal ku dhisan midnimo, walaaltinimo iyo wadaagista talada dalka. Wuxuu mucaaradka ugu baaqay inay tabashooyinkooda ku soo bandhigaan miiska wada-hadalka.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada, amniga iyo gobannimada Soomaaliya ay yihiin arrimo aan laga tanaasuli karin. Wuxuu sheegay in wada-tashiga iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed.
Hadalladan ayaa imaanaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimo.
Shalay oo lagu waday Muqdisho ay ka furanto gogol wadahadal oo dhinacyadan u dhexeysa ayaa fashil ku soo dhamaatay, kadib markii ay Mucaraadku ka gows adegeen in miiska wadahadalka yimaadaan.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in wada-hadallada lagu galo dammaanad siyaasadeed iyo dhex-dhexaadin caalami ah, halka dowladda ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyadu uga soo qaybgeli lahaayeen shirka uu madaxweynuhu iclaamiyay. Taas ayaa muujinaysa in caqabadda ugu weyn aysan ahayn oo keliya qabashada kulanka, balse ay tahay kalsoonida iyo hannaanka lagu wajahayo wada-hadallada.
Waxaa xusid mudan in arrimaha la doonayo in shirka lagu gorfeeyo ay ugu muhiimsan tahay doorashada dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Sidaas darteed, baaqashada gogoshaan waxay sii kordhin kartaa hubanti la’aanta siyaasadeed, gaar ahaan iyadoo waqtigu sii socdo, isla markaana aan weli la helin heshiis ay dowladda iyo mucaaradku ku mideysan yihiin.
HBN ONLINE TV

