Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal Alshabaab & Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Hiiraan

Wararka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab Xubno ka tirsan ay weerar ku qaadeen saldhig ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanka Coomaad ee degmada Matabaan. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya iyo maleeshiyaadka kooxda.

Deegaanka Coomaad ayaa muhiimad istaraatiiji ah u leh isku socodka gaadiidka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana joogitaanka ciidamada dowladda loo arkaa mid xoojinaya amniga iyo isu socodka labada gobol ee HirShabeelle iyo Galmudug.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana cadda cidda gacanta ku haysa deegaanka lagu dagaalamay.

Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle oo ku aaddan weerarka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed