Soomaaliya oo ka hortimid dhaleeceynta khubarada Qaramada Midoobay ee xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta si adag u diidday dhaleeceyn uga timid khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay (QM) oo cambaareeyay xilka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, iyagoo ku dooday in go’aan ay Maxkamadda Sare ka soo saartay muddo-xileedka madaxweynaha uusan lahayn wax saameyn sharci ah.

Laba khabiir oo Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha, Margaret Satterthwaite iyo Ben Saul, ayaa bayaan ay soo saareen 12-kii bishaan Nofeembar 2026 ku sheegay in xilka qaadistii Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, ee uu madaxweynuhu ku sameeyay wareegto 4-tii bsihaan Nofeembar ay ahayd sida ay hadalka u dhigeen mid sharci-darro ah, waxayna dalbadeen in dib loogu celiyo xilkiisa.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa faragelintan qaawan ee lagu sameeyay madaxbannaanida garsoorka,” ayay khubaradu ku sheegeen bayaankooda.

Waxay intaas ku dareen in xilka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu madaxweynuhu keligiis ku sameeyay wareegto aysan waafaqsanayn sida ay ku doodeen habraacyada dastuuriga ah, oo ay ka mid yihiin ansixinta Baarlamaanka ama soo jeedin ka timaadda Golaha Adeegga Garsoorka.

Sidoo kale, Khubaradu waxay sheegeen in dowladda ay boqolaal ka tirsan ciidamada ammaanka geysay xarunta Maxkamadda Sare si ay u carqaladeeyaan una cabsi geliyaan maxkamadda. Waxay intaas ku dareen in 7 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare laga qaaday ilaaladii ammaanka ee gaarka ahayd, isla markaana laga mamnuucay inay safraan.
Waxay ugu baaqeen ciidamada ammaanka inay ka baxaan faragelinta arrimaha maxkamadda.

Jawaabta Dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka DFS ayaa sheegtay inay si dhab ah u tixgelinayso walaaca ay khubarada Qaramada Midoobay muujiyeen, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.Hase yeeshee, waxay khubarada ku eedeysay in aysan marka hore dowladda Soomaaliya ka dalban faahfaahin iyo jawaab ku saabsan arrimaha ay soo bandhigeen.

“Waxaa nasiib-darro ah in khubaradu aysan dowladda ka dalban wax caddeyn ah ka hor inta aysan soo saarin bayaankooda, taas oo ka hor imaanaysa xeerka hab-dhaqanka khubarada gaarka ah ee Golaha Xuquuqda Aadanaha,” ayay wasaaraddu ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ergada Soomaaliya ee magaalada Geneva ay khubarada ka codsatay inay soo diraan warqad rasmi ah oo si faahfaahsan u qeexaysa walaacyadooda, si loogala yeesho kulan degdeg ah, balse aysan helin warqaddaas.

Waxay intaas ku dartay in khubaradu bayaankooda saxaafadeed la wadaageen dowladda kaddib markii uu horay u soo baxay. DFS waxay sheegtay in Baashe Yuusuf Axmed xilka looga qaaday hannaan ku-meel-gaar ah oo la mid ah kii markii hore loogu magacaabay, maadaama Golaha Sare ee Garsoorka ee uu dhigayo dastuurka 2026-ka aan weli la dhisin.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku adkaysatay in go’aanka xilka qaadistu uusan wax xiriir ah la lahayn doodihii iyo howlihii Maxkamadda Sare.

Dowladdu waxay sheegtay inaysan aqoonsanayn go’aanka Maxkamadda Sare ee la xiriira muddo-xileedka madaxweynaha, iyadoo ku doodday in go’aan maxkamadeed oo sharci ah uu soo saari karo oo keliya gole garsoor oo si waafaqsan sharciga loo dhisay, kaas oo uu guddoominayo guddoomiye maxkamadeed oo xilka haya.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in dowladda ay mowqifkeeda ku difaaci doonto “habab sharci iyo hay’adeed oo waafaqsan nidaamka dalka, iyadoo aan wax cadaadis ah la saarin garsoore kasta.”

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed