Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan xiriirrada lagu diyaarinayo qabsoomidda shirka wadatashiga qaran ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kaas oo maanta loo ballansanaa balse dib u dhacay.
War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda ay xiriirro la waddo dhinacyada lagu casuumay gogosha wadahadalka, kuwaas oo ay khusayso qabsoomidda shirka.
“Madaxtooyada waxay wargelinaysaa in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, taas oo qayb ka ah diyaar-garowga shirka,” ayaa lagu yiri warka Villa Soomaaliya.
Dowladdu faahfaahin dheeraad ah kama bixin waqtiga cusub ee la qabanayo shirka, iyada oo xubnaha mucaaradka qeyb kamid ah aanay cadeyn inay ka qeyb noqdaan dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee jira.
HBN ONLINE TV

