Danjiraha cusub ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.
Sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda dalka, isbeddellada siyaasadeed ee ugu dambeeyay iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan Turkiga, Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub si loo dhiirrigeliyo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.
Kulankan ayaa imaanaya laba maalmood kaddib markii Danjire Ferhat Alkan uu sidoo kale la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo arrimaha gobolka.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada beesha caalamka ee lagu fududeynayo wada-hadallada la filayo inay 14-ka bishaan Nofeembar Muqdisho uga furmaan dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo la qorsheeyay inay socdaan muddo afar maalmood, si xal looga gaaro khilaafaadka la xiriira doorashooyinka iyo tabashooyinka siyaasadeed.
Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan khilaafaad xooggan oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, sidoo kalena ay soo cusboonaadeen colaado ka jira deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.
HBN ONLINE TV

