Kenya oo dareemeysa cadaadiska dadk ka soo cararaya colaada Itoobiya oo ay kamid yihiin kuwa Mooyaale

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 40-kun oo Itoobiyaan ah ay ka soo barakaceen deegaannada Itoobiya, iyagoo magangelyo ka helay magaalada Mooyaale ee ismaamulka Marsabit, kaddib markii ay sii xoogaysteen xiisadaha ka taagan dalkaas.

Raysal wasaaraha Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in xiisadda ka jirta Itoobiya ay sababtay in kumannaan qof ay ka cararaan guryahooda, una soo gudbaan Kenya si ay uga badbaadaan colaadaha.

Mudavadi ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyay dhiggiisa Itoobiya, kana codsaday inuu dadaal ku bixiyo dejinta xaaladda, si dadka barakacay ay ugu suurtagasho inay dib ugu laabtaan guryahooda.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay Kenya u xaqiijisay inay ka shaqeyneyso sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa, loona joojin lahaa colaadaha sababay barakaca dadka.

Xiisaddan ayaa daba socota muranno muddo dheer soo jiray oo u dhexeeyay maamullada gobolada Soomaalida & Oromada Itoobiya, kuwaas oo la xiriira murannada dhulka, xuduudaha iyo maamulka deegaannada.

Dagaalka billowday bishii hore Oktoobar ee sanadkan ayaa sababay khasaaare dhimasho iyo dhawaac oo aan weli si rasmi ah loo tiro koobin, barakac ballaaran, iyadoo kumannaan qof ay hoy ka heleen dugsiyo, kaniisado iyo xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay magan-gelyo ka heleen eheladooda iyo bulshada deegaanka.

Dhanka kalane, Iska horimaadkan ayaa Qaramada Midoobay sheegtay in ku dhowaad 50-kun oo qof ay guryahooda ka barakaceen.

Hay’adda ACLED oo la socota dhaqdhaqaaqyada hubeysan ayaa sheegtay in xiisadda ugu dambeysay ay bilaabatay 18-ka bishii hore ee Oktoobar, kaddib markii xafiis cusub oo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ka furay goob lagu muransan yahay, halkaasna laga taagay calanka maamulka.

Geesta kale, Masuuliyiin ka tirsan kuwo deegaanka aya sheegay inay jiraan qorsheyaal ka socda dhinaca Oromada oo ay ku doonayaan in weerar gaadmo ah lagu qaado dadka rayidka ah ee ku dhow goobaha coladu weli ka jirto ee gobolka.

Horey, Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda kula talisay in ay ka fogaadaan dhammaan safarrada aan daruuriga ahayn ee ku wajahan magaalada Moyale ee ku taalla xuduudka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan amni-darrada iyo dagaallada u dhexeeya Oromada iyo Soomaalida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed