Weerar lagu dilay ku dhawaad 10 qof oo shaqaale & askar ahaa oo Kenya ka dhacay

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad hubeysan oo looga shakisan yahay Alshababa ay ku dileen shaqaale dhisme wado dheer oo isku xirta deegaano kamid ah Ismaamulka Mandheera ee Kenya. Weerarka ayaa saaka ka dhacay deegaanka Koromeey, oo u dhow Hagarsu, halkaas oo koox hubeysan ay rasaas ku furtay gaari galbinayay injineerrada iyo shaqaalaha kale ee mashruuca waddada.

Booliska Kenya ayaa sheegay in 7 qof ay goobta ku dhinteen, halka qofka siddeedaad oo ahaa darawalkii gaariga amniga uu dhaawac culus soo gaaray, balse uu geeriyooday isagoo loo sii qaadayo Isbitaal ku yaalla Mandheera. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in 5 ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen injineerro, halka 2 kalena ay ahaayeen ciidamo ka tirsanaa booliska gaar ah ee Kenya, kuwaa oo ilaalinayay shaqaalaha. Ciidamo dheeraad ah ayaa loo diray deegaanka si ay u baadi-goobaan kooxdii weerarka geysatay.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dhaca deegaannada ku dhow xuduudda Kenya iyo Soomaaliya. 7-dii bishaan November ayay ahayd markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen saldhigga booliska Hulugho iyo xerada ciidamada amniga ee Gesreb, Gaarisa. Sida ay ku warantay warbaahinta gudaha, Ciidamada ayaa iska caabiyay weerarka, waxaana la sheegay inaan wax khasaare ah ama burbur hantiyeed la soo sheegin.

Dhanka kale, Ciidamada ammaanka ee ku sugan saldhigga Damasa ee ismaamulka gobolka Mandheera, ayaa la sheegay inay fashiliyeen weerar ay isku dayeen lix maleeshiyo oo looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa kooxda ku arkay meel u dhow xuduudda Kenya iyo Soomaaliya iyagoo adeegsanaya diyaarad aan duuliye lahayn (drone), waxaana xigay is-weydaarsi rasaas ah oo ay maleeshiyaadku markii dambe goobta uga baxsadeen.

Ma jirin wax khasaare ah oo la soo sheegay, waxaana ciidamada ammaanku kordhiyeen ilaalinta iyo dabagalka deegaannada ku hareeraysan.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed