Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in magaalada Buulo Burde ay tahay caasimadda Hirshabeelle, isaga oo ugu baaqay masuuliyiinta maamulka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda in xal waara ka gaaraan tabashada ay muddooyinkii dambe qabeen dadka ku nool gobolka Hiiraan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan la siiyey caasimadda Hirshabeelle, balse go’aamo dambe oo maamulku uu gaaray ay keeneen in aan loo rarin caasimaadda magaalada Buula Burde.
Wuxuu shuruud ka dhigay in laga doonayo hoggaanka gobolka───loogana fadhiyo si caasimadda loogu soo raro inay buuxiyaan shuruudo dhowr ah.
“Walaalaha Hiiraan caasimadda waa la idin siiyey (Buula Burde), laakiin waxaa la idinka rabaa meel la dego, lagu nagaado, lagu shaqeeyo, qofku uu lahaansho iyo amni uu Hirshabeelle ugu shaqeeyo uu dareemo. Adinkaa la idinka rabaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhigo gogol wada-hadal oo ay isugu yimaadaan dadka reer Hirshabeelle, si looga wada shaqeeyo xalinta tabashooyinka jira, si gaar ah midda hadda ka taagan magaalada Beledweyne.
“Waxaan rabnaa in gogoshaas la dhigo, la galo oo dadka Hirshabeelle isku yimaadaan. Annaguna waan ku talinaynaa, waana kala shaqeynaynaa, laakiin go’aanka kama dambeysta ah dadka reer Hirshabeelle ayaa iska leh,” ayuu markale sii raaciyey hadalkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in aanay jirin sabab loo dhageysan waayo ama loo tixgelin waayo codka dadka ku nool gobolka Hiiraan, waxaana uu ugu baaqay madaxda Hirshabeelle inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xal u helidda tabashooyinka soo noqnoqday ee dadka gobolka.
“Ma jirto sabab dadka Hiiraan degan codkooda loo dhageysan waayo ama loo tixgalin waayo. Dowladda Federaalka ah nabaddaan rabnaa. Wax kasta oo ay nabad ku imaaneyso in la yeellaan rabnaa. Mas’uuliyiinta Hirshabeelle arrintaasi inay ka shaqeeyaan oo walaalahaas tabashada muddo soo noqnoqotay qabaahi, bal markaan in laga ogolaado, la siiyo caasimadda, waxa laga rabana loo sheego,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeystay in xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta nabadda ay muhiim u yihiin wadajirka iyo horumarka dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Arrimahan ayaa sidoo kale waxay ku soo aadayaan iyadoo saacadihii la soo dhaafay uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu si kulul uga hadlay xaaladda ka soo korortay magaalada Beledweyne oo haatan laga dareemayo xiisad u dhexeysa maamulka Hirshabelle iyo siyaasiyiin gadoodsan oo kasoo jeeda beesha Ugaaska.
HBN ONLINE TV

