Shacab ku dhintay iska horimaad ka dhacay Muqdisho

Saddex qof oo shacab ah ayaa la xaqaiijiyey inay ku dhinteen, 4 kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka xaafadda Raadaarka ee degmada Dayniile, ee gobolka Banaadir.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay howlgal la sheegay inuu la xariiray dhul-ka-saaris dowladdu mar kale ka fulisay xaafadda, taasi oo keentay in shacabka ay sameeyaan bannaanbax ay kaga soo horjeedaan burburinta guryaha ay degan ee laga saarayo.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa dowladda ku eedeeyay inay dib u billowday waxay ugu yeereen “barakicinta shacabka”, isla markaana ay dooneyso sida ay hadalka u dhigeen inay xaraashto dhulka danta guud.

Dhacdadan ayaa dhalisay walaac ku saabsan amniga dadka deegaanka iyo muranka dhulka ee ka taagan xaafadda Raadaarka ee Muqdisho.

Isha ku haay  HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed