Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyo mid amni, kadib markii uu halkaasi gaaray hoggaamiye Cabdifataax Xasan Afrax oo ah ku-xigeenka cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Hoggaamiye ku xigeenka oo ku sugan magaalada Beledweyne, ayaa xalay la sheegay in meel u dhow aagga uu degenyahay Aftax ay ka dhaceen is rasaaseyn kooban.
Cabdifataax ayaa sheegay inuu magaalada u yimid in uu la hadlo dadka reer Hiiraan, isla markaana uu diyaar u yahay inuu qanciyo ama isaga la qanciyo.
Hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifataax Afrax: “Dadka Ugaasku la hadlay oo xukumo ayaan ku jiraa, ma jirto dowlad duulaan ku ah dadkayga; walaalkey Sanbalooshe shalay isagaa i xukumay maanta waxaan rabaa in aan qanciyo ama isagu i qanciyo.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin wax ka qabashada tabashada reer Hiiraan.
Dhanka kale, magaalada waxaa gaaray taliyihii hore ee Nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo dhanka Itoobiya ka soo galay.
Hbn Online Tv

